HomeWararWararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay xili Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Muqdisho uu ka jiray Mashquul badan, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay xili Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Muqdisho uu ka jiray Mashquul badan, waxaana halkaas ku sugnaa gaadiid ay saarnaayeen dad shacab, xoogsato iyo Arday u socotay goob Waxbarasho.

- Advertisement -

In ka badan 20 ruux ayaa si hordhac ah loo xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaas, halka 15 qof kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in dadkaas ay ku jiraan Arday badan oo Jaamacad u socday, waxaana gaarigii ay saarnaayeen ardaydaasi uu noqday mid gubtay.

Sidoo kale dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas ayaa waxaa ku jira Injineero Turki ah, kuwaasi oo wararka qaar ay sheegayaan inay goobta ku geeriyoodeen, waxaana weli socda gurmad xoogan.

Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dadkii dhaawacyada ay soo gaareen, waxaana sidoo kale goobta ku burburay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay ku gubtay kaalin Shidaal oo halkaas ku taallay.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts