HomeWararGolaha Milliteriga Suudaan oo muddo 2 isbuuc loo qabtay

Golaha Milliteriga Suudaan oo muddo 2 isbuuc loo qabtay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Nabadda Iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (The Peace and Security Council of the African Union (AU) waxay ku hanjabeen in dalka Suudaan laga joojin doono ka-qeybgalka Shirarka AU-da, haddii aysan Golaha Milliteriga awoodda ku wareejinin Dowlad Rayid ah. War-murtiyeed shalay ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da ayaa  waxa uu kaga codsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Nabadda Iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (The Peace and Security Council of the African Union (AU) waxay ku hanjabeen in dalka Suudaan laga joojin doono ka-qeybgalka Shirarka AU-da, haddii aysan Golaha Milliteriga awoodda ku wareejinin Dowlad Rayid ah.

War-murtiyeed shalay ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da ayaa  waxa uu kaga codsaday Golaha Milliteriga Suudaan inay muddo 15 maalmood  xilka kaga degaan, isla markaana ay xilka ku wareejiyaan Dowlad Ku-meel-gaar oo Rayid ah.

- Advertisement -

Waxaa uu qoraalku qeexay, haddii ay Golaha Milliteriga ku fashilmaan inay muddadaasi xilka ku wareejiyaan inay taasi horseedi doono in Suudaan laga joojiyo Ka-qeybgalka dhamaan dhaqhaqaaqyadda  ee Ururka Midowga Afrika (AU, sida uu dhigayo Qoddobka 7-aad ee  Sharciga u degsan Dowladaha xubnaha ka ah Ururkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, War-murtiyadeed Golaha Nabadda iyo Ammanaka ee AU-da ayaa u muuqda Cadaadis-saar Siyaasadeed, si ay Saraakiisha la wareegay Talada Suudaan bishan 11-dii ugu khasbanaadaan inay Dowlad Rayid oo Ku-meel-gaar ah dhisaan, kuna wareejiyaan Tlaada Guud ee dalkaasi.

Tan iyo bishii December ee sannadkii hore, dalka Suudaan waxaa ka socday Dibadbaxyo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xasan Al-bashiir, kaasi oo muddo 30-sannadood hayey Talada dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts