HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Ganacsade lagu dilay Degmada Yaaqshiid

Faah faahin kasoo baxeysa Ganacsade lagu dilay Degmada Yaaqshiid

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Bacaad waxa ay ku dileen Nin Ganacsade ahaa. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Dilkan ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo toogtay Ganacsadaha xili uu ku sugnaa agagaarka Suuq Bacaad. Ragii dilkaas fuliyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Bacaad waxa ay ku dileen Nin Ganacsade ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Dilkan ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo toogtay Ganacsadaha xili uu ku sugnaa agagaarka Suuq Bacaad.

- Advertisement -

Ragii dilkaas fuliyay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday gaari nooca raaxadaha oo ay wateen,sida la sheegay.

Warar qaar aan helnay ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay uu kamid ahaa Ganacsatada iibiya qalabka Dhismaha,inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaa u fogey ayaa tegyay goobta uu dilka ka dhacay,iyagoona sida caadada u aheyd ka sameeyay baaritaano kala duwan..

- Advertisement -

Meydka Ninkii la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday dad kale oo kamid ahaa Ganacsatada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Mqudisho ayaa waxaa mararka qaar  ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo ay Mas’uuliyiinta sheegta Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts