HomeWararUrurradda Warbaahinta Somalia oo cambaareeey Go’aankii Ururka Suxufiyiinta Haweenka loogu diiday shirkii...

Ururradda Warbaahinta Somalia oo cambaareeey Go’aankii Ururka Suxufiyiinta Haweenka loogu diiday shirkii Haweenka ee ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ iyo Ururradda kale ee Warbaahinta, oo ay ku jiraan Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed (SWJ) iyo Ururadda SOMHA, iyo SIMHA waxay si wadajir ah u cambaaraynayaan go’aankii ay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka somalia ugu hor-joogsadeen Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan Shirweynihii Haweenka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ iyo Ururradda kale ee Warbaahinta, oo ay ku jiraan Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed (SWJ) iyo Ururadda SOMHA, iyo SIMHA waxay si wadajir ah u cambaaraynayaan go’aankii ay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka somalia ugu hor-joogsadeen Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan Shirweynihii Haweenka ee bishan March 4-da ilaa 6-da lagu qabtay magaalladda Muqdisho.

Wasaaradda Haweenka waxay ku gacan-sayreen inay xubnaha Suxufiyiinta Haweeneka qeyb ka qaataan Shirkaasi iyo taasi bedelkeeda casuumeen rag aan Suxufiyiin ah, oo iyagu si qaldan u matalayey Suxufiyiinta haweenka ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Haweenka (SWJ), Marwo Farxiya Maxamed Kheyre waxay sheegtay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo ay Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federalka somalia ugu talagaleen Ururka Suxufiyiinta Haweenka ee SWJ.

Wxaay intaasi ku dartay inay la anfariireen, markii ay arkeen in rag Suxufiyiin ah ka qeyb qaadanayaan Shirweynaha Haweenka, iyo inay matalayaan Haweenka Suxufiyiinta.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, Maxamed Ibraahim Mcaallimu waxa u usheegay inaysan Suxufiyiinta Soomaalida oggolaanin, isla markaana oggolaan doonin in la xaqiro doorka Suxufiyiinta Haweenka ee Arrimha Haweenka.

- Advertisement -

Macallimu waxa uu xusay inay si xun u cambaaraynayaan falka Wasaaradda Haweenke iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna ugu baaqay inay joojiyaan Xaqiraadda Kooxaha Haweenka Suxufiyiinta iyo inay ka dhigaan wax aan muhiim ahayn.

Guddoomiyaha Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), Xsaan Cali Geesey waxa uu isagana sheegay inay Suxufiyiinta Haweenka  ku sugan gudaha Somalia ku shaqeeyaan xaallado dhib badan iyo inay u qlmaan in lagu taageero doorkooda Mujtamaca, balse ma aha in la niyad-jebiyo ama aan la dhiiri-gelinin.

Dhinaca kale, Maxamed C/wahaab oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahinat Soomaaliyeed ee SOMA oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 40 Xarumo Warbaahineed ayaa isagana tilmaamay in Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka Somalia u taagan tahay Badbaadinta iyo ilaalinta Ammaanka Xuquuqda Gabdhaha, balse ay Wasaaraddu haatan u muuqato si bil-cakis ama ka soo horjeeda hawlaha loo idmaday.

Waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha DFS iyo Wasaaradda Wrfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska inay soo fara-geliyaan Kiiskaasi, si  loo xaqiijiyo Fursad isku mid ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts