HomeWararHaweeney horey u afduubatay Diyaarad oo dalbatay in dib loogu celiyo dalkeeda...

Haweeney horey u afduubatay Diyaarad oo dalbatay in dib loogu celiyo dalkeeda hooyo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Asha Abdulle oo ah Qaxooti ku nool dalka New Zealand waxay sannadkii 2008-dii afduubatay Diyaarad isaga kala gooshaysay Magallooyin ku yaalla dalkaasi. Waxay Tooreey ku dhaawacday Labadii Duuliye iyo qof ka mid ah dadkii saarnaa Diyaaradaasi ka hor inta aan iyadii la qabanin. Asha Abdulle oo laga sii daayey Xabsiga, waxaa haatan lagu hayaa Qeybta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Asha Abdulle oo ah Qaxooti ku nool dalka New Zealand waxay sannadkii 2008-dii afduubatay Diyaarad isaga kala gooshaysay Magallooyin ku yaalla dalkaasi.

Waxay Tooreey ku dhaawacday Labadii Duuliye iyo qof ka mid ah dadkii saarnaa Diyaaradaasi ka hor inta aan iyadii la qabanin.

- Advertisement -

Asha Abdulle oo laga sii daayey Xabsiga, waxaa haatan lagu hayaa Qeybta Daaweynta Maskaxda iyo Cilmi-nafsiga ee Isbitaal ku yaalla dalkaasi.

Haweenydaasi waxay sannadkii 2017-kii soo dhamaystay Xabsi 9-sanno ah oo lagu xukumay, waxayna Dhakhaatiirta dalkaasi ka digeen inay tahay qof khatar, oo aan lagu sii dhex dayn karin Bulshadda dalkaasi.

Sida aynu ka soo xiganay Idaacadda New Zealand Radio (RNZ) waxay Asha Abdulle haatan doonaysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, iyadoo sheegtay inaysan sii joogi karin dalkaasi.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo Telefoonka kula xiriirtay Idaacadda RNZ waxay waalaac ka muujisay qaabkii loo qabtay, waxayna Maamulayaasha dalka New Zealand ka codsatay inay u oggolaan inay ka baxdo dalkaasi, si ay dib ugu laabato dalkeeda hooyo ee Somalia.

“Somalia waa dalka aan leeyahay, Qoyskiisa ayaa halkaasi jooga, halkaasi oo aan nabad ka dareemi karo. Ma filayo inaan nabad dareemo inta aan joogo New Zealand” ayey Asha Abdulle u sheegtay Radio New Zealand (RNZ).

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda New Zealand weli kama aysan hadlin codsiga Haweeneydaasi.

 

Xigasho: New Zealand Radio

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts