HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Maanta dhagax dhigay Xarun Muhiim ah

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Maanta dhagax dhigay Xarun Muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14-Nov-2018 dhagax dhigay xarun ballaaran oo wax lagu bari’doono carruurta agoonta ah iyo danyarta Puntland, mashruucan oo ay maalgalinayso Dawladda Kuwayd ayaa ah dhisme balaadhan oo ka kooban qeybo kala duwan sida:- qeybta Jiifka, waxbarashada, caafimaadka, iyo xafiisyo kala duwan. Madaxweynaha Puntland Dr. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14-Nov-2018 dhagax dhigay xarun ballaaran oo wax lagu bari’doono carruurta agoonta ah iyo danyarta Puntland, mashruucan oo ay maalgalinayso Dawladda Kuwayd ayaa ah dhisme balaadhan oo ka kooban qeybo kala duwan sida:- qeybta Jiifka, waxbarashada, caafimaadka, iyo xafiisyo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah labada gole ee Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay dhagax dhigga mashruuca oo ay fulinayso Hay’adda ARC.

- Advertisement -

Masuuliyiinta ku hawlan hirgalinta mashruucaan balaadhan ayaa madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku ammaanay wada shaqaynta iyo soo dhoweyta uu usameeyey si loo hirgaliyo mashruucaan wax ku oolka u ah bulshada reer Puntland.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyey munaasibadda ayaa soo dhoweeyey hirgalinta mashruucan iyo cid walba oo keenaysa barnaamij wax tar u leh bulshada Puntland,

” Waxaa farxad noo ah dhagax dhigga mashruucan quruxda badan ee wanaagsan waana ku mahadsan tihiin sida aad u deeqsiinaysaan lacagta yar ee halka milyan ah mashruuca intaas le’eg., mashruucani waxuu aad ugu wanaagsan yahay, sababtu waxa weeye dadka aadka ugu nugul wax tarkiisii weeye, Puntland’na way ku baraarugsan tahay baahidaas ay qabaan agoonta iyo rajooyinka Puntland, cid kasta oo wax taraysana waan soo dhoweynaynaa,Puntland’na si wanaagsan bay idiin soo dhoweynaysaa idiinlana shaqayn doontaa inshaa Allah, waxaad naga furateen xil na saarnaa waxaana rajaynanaa in lasii wado wax tarka bulshada baahan, labo boqol iyo konton ( 250) agoon ah nafaqayntooda, waxbaridooda iyo wanaajintoodu waa wax aad u wanaagsan waana idinku garab taaganahay waxaana sii jeclaan lahayn in aad balaadhisaan waxaan ogahay in sidoo kale Boosaaso laga fulinayo mashruucaan oo kale, sii wada mashruuca wixii Dawli ah,na waan idinku taageeranaa anagoo kaashanana Wasaaradda Waxbarashada, Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts