HomeCaalamkaSawirro:-Kheyre oo shir guddoomiyey kulan u dhaxeeyey dowladda iyo Beesha Caalamka

Sawirro:-Kheyre oo shir guddoomiyey kulan u dhaxeeyey dowladda iyo Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka. Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray.

“Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts