HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UNka ee New York. Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UNka ee New York.

Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa Shirka madaxda aduunka ee qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Shalay ayuu wasiirku kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna kawada hadleen arimo baddan oo la xariira marxalada uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyada, isku xirka Qurba joogta iyo Horumarka dalka.

Wasiir Cawad waxa uu sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar kamid ah madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka iyaga oo is dhaafsanayay xaaladaha dalalkooda, isbadalada caalamka iyo iskaashi caalami ah oo dhex mara wadamada caalamka si loo gaaro himilooyin ku dhisan Horumar iyo si dhexgal.

Qudbada uu jeedin doono wasiirka ayuu diirada ku saari doona xaalada Soomaaliya, sida arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dowladnimada, iyo wax walba oo horumar ah oo ay dowladu qabatay iyo hadii ay jiraan wax caqabadaa oo ku xeeran gaar ahaan sidii loo xoreyn lahaa deegaamada ay Al-shabab gacanta ku hayaan.
Deeqo Shire (SONNA)

- Advertisement -

New York

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts