Boqollaal qof ayaa weli la la’yahay kaddib marki doon ay saarnaayeen ay ku dagtay harada Victoria ee waqooyiga Tanzania.
Mas’uuliyiinta deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa waxay BBC-da u sheegeen in ilaa iyo hadda 5 qof meydkood la helay 102 qof oo kalana la badbaadiyey, doonta degtay oo ay saarnaayeen dad ka badan 400 oo qof.
Doontan degtay oo lagu magacaabo MV Nyerere waxay ku degtay inta u dhaxeysa jasiiradaha Ukora iyo Bugolara.
Dadka deegaanka ayaa waxay ku guda jiraan sida dadka maqan ay u soo badbaadin lahaayeen.
Dowladda Tanzaniyana waxay xaqiijisay iney doontaasi degtay boqollaal qof oo doonta saarneydna weli la la’yahay.
Taliyaha gobolka dhibatada ay ka dhacday Adam Malima aya wuxuu BBC-da u sheegay iney ilaahey u baryayaan dadka lala’ yahay iney ineey soo uruuriyo.
“Balse sida ay dhibaatada u dhacdayna iney geerida u badaninna uu rajeeynayo.”
Masiibooyinka noocani ayaa ah kuwa inta bdan ka dhaca harooyinka waaweyn ee qaaradda Afrika.
Sanadki 1996-kii doon noocan oo degtay ayaa waxaa ku dhinaty 800 oo qof taasoo ahayd masiibada ugu weyneyd ee dhacda.