Majalladda caalamiga ah ee The Economist, oo sanadkii hore ku sheegtay in mashruuca dowlad-dhiska Soomaaliya uu yahay mid “burburay” iyo in Muqdisho ay halis ku jirto inay gacanta ku dhacdo Al-Shabaab , ayaa hadda soo saartay warbixin cusub oo aqoonsanaysa horumarka amni ee caasimadda. Warbixintan cusub, oo cinwaankeedu yahay “Mogadishu no longer deserves its deadly reputation” , waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimaada aragtida majalladda, iyadoo tirakoobyadu ay caddaynayaan in weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho ay hoos u dhaceen heer aan horay loo arag.
Warbixintan cusub waxay muhiim u tahay sababtoo ah waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku yimaada aragtida majalladda caalamiga ah, waxayna xaqiijinaysaa waxa ay Soomaalidu muddo dheer sheegaysay: in caasimaddu tahay mid is-beddeleysa oo horumarka amni ka socda. Tirakoobyada The Economist waxay muujinayaan in weerarrada Al-Shabaab ee caasimadda ay hoos u dhaceen 144 weerar oo la duubay rubuci 3aad ee 2022, ilaa 5 oo keliya rubuci 2aad ee 2026 .
Hoos u dhaca weerarrada ayaa loo aaneynayaa tallaabooyin amni oo ay ka mid yihiin fidinta kamaradaha CCTV-ga, diiwaangelinta elektarooniga ah ee baarista baabuurta lamaanaha, iyo joogitaanka saraakiil sirdoon ah oo si weyn loo baahiyay . Dhismaha cusub ayaa si xawli ah uga socda Muqdisho, iyadoo Dahab Tower, oo ah dhisme 26 dabaq ah oo ka kooban guryo, dukaan weyn, jimicsi iyo masaajid, la filayo inuu sanadkan furmo .
Warbixintu waxay ku bilowday dhacdo ka dhacday Muqdisho lix sano ka hor, iyadoo soo qaadatay qisada Saakin Abdi, oo ah qof magaalada ku nool oo habeen u-jalaato doontay bartamaha Muqdisho. Habeenki xigay, isla goobti ayaa waxaa ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu dilay toddobo qof oo rayid ah . Dhacdadaasi ayaa tusaale u ah xaaladdii amni ee caasimadda xilligaas, iyadoo dadka Muqdisho ay ku noolaayeen cabsi ah in goob kasta oo ay joogaan ay noqon karto bartilmaameed xiga.
Isbeddelka amni ma aha oo keliya tirada weerarrada oo yaraatay; wuxuu sidoo kale taabanayaa habka ay dadka ugu nool yihiin magaalada iyo sida ay u dareemaan amniga. Qiimeynta The Economist waxay muujinaysaa in Muqdisho ay maanta ka duwan tahay sidii ay ahayd dhowr sano ka hor. Hoos-u-dhaca weerarrada Al-Shabaab, soo kabashada dhaqdhaqaaqa magaalada iyo dareenka amni ee soo hagaagaya ayaa tilmaamaya in caasimaddu ay ka soo kabanayso sannado badan oo ay hareeyeen cabsi iyo rabshado.
Si kastaba, farriinta ugu muhiimsan ee warbixintu waa in Muqdisho ay ka sii fogaanayso sumcad-darradii ahayd magaalada geerida badan, balse ilaalinta horumarka la gaaray iyo xaqiijinta amni waara ayaa weli ah caqabadda ugu weyn ee hortaalla Muqdisho.
