Aqalka Sare ka muujiyay diidmo, isagoo sheegay in muddo-xileedkii dowladda uu dhammaaday, isla markaana loo baahan yahay in dalka loo diyaariyo doorasho.
Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarinaysa soo saarista Shilling Soomaali cusub, iyadoo Baanka Dhexe uu sheegay in qorshuhu marayo heer sare, xilli lacagihii hore ay si weyn u duugoobeen, ganacsatada qaarna ay bilaabeen inay diidaan.
Xiisad ayaa ka taagan xaafadda Tookiyo ee Yaaqshiid, Muqdisho, kaddib markii ciidamada dowladda ay bilaabeen burburinta guryo ay degan yihiin dad rayid ah. Ku dhawaad 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada iyo dadka deegaanka.