HomeWararXasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo kulanka Jabuuti ku xoojinaya amniga iyo...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo kulanka Jabuuti ku xoojinaya amniga iyo iskaashiga gobolka

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaïl Omar Guelleh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga saddexda dal, gaar ahaan dhinacyada amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, dadaallada dimuqraadiyeynta Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Madaxda ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta maalgashiga, fududeynta isu-socodka dadka iyo ganacsiga, iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha si loo xoojiyo isdhexgalka iyo koboca dalalka gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday dib u soo celinta wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrintaas ay kaalin ka qaadan karaan madaxda Jabuuti iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti martigelinta kulankan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-tashiyada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dalalka gobolka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Itoobiya ay dadaal ugu jirto helitaanka marin badeed, halka Jabuuti ay isku dayayso inay isu soo dhoweyso Soomaaliya iyo Itoobiya si loo yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira arrimaha Soomaaliland.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories