HomeWararMareykanka oo sii kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Daacish ee Puntland

Mareykanka oo sii kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Daacish ee Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Mareykanka oo sii kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Daacish ee Puntland

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa duqeyn cirka ah ku beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan ISIS-Somalia oo ku yaalla togga Baallade ee Buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel qiyaastii 70 km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

- Advertisement -

AFRICOM oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlaha lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia, si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.

Dowladda Mareykanka wax faahfaahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday saldhigyada kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Puntland uu hoos u dhigay howlgaladii militari ee ka dhanka ahaa kooxda Daacish ee ka socday Calmiskaad, iyadoo ciidamadii halkaasi kula dagaallamayay kooxda dib looga soo saaray.

- Advertisement -

Puntland ayaa sheegtay in tiro yar oo firxad ah oo ka tirsan Daacish ay weli ku go’doonsan yihiin Calmiskaad, isla markaana laga jaray sahaydii ay ka heli jireen dad si qarsoodi ah ugu gudbin jiray raashin iyo xoolo.

Mareykanka ayaa sidoo kale taageero ballaaran oo dhinaca duqeymaha cirka iyo xogta sirdoonka ah siiya Puntland dagaalka ay kula jirto Daacish, kaas oo in ka badan hal sano ka socday buuraha Calmiskaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts