HomeWararRa’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka soo qeybgaleen madax, ganacsato iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

Khudbaddiisa ayuu ku soo bandhigay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo abuurista jawi maalgashi oo xasilloon. Waxa uu adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhiirrigelinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

- Advertisement -

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hodan ku tahay fursado maalgashi, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, beeraha iyo kalluumeysiga. Wuxuu ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas istiraatiijiga ah.

Intii uu shirku socday, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madax iyo daneeyayaal kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts