HomeWararXildhibaannada Muxaafadka ah oo Maanta ka Dooday Wax-ka-beddelka Dastuurka

Xildhibaannada Muxaafadka ah oo Maanta ka Dooday Wax-ka-beddelka Dastuurka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xildhibaannada Muxaafadka ah oo Maanta ka Dooday Wax-ka-beddelka Dastuurka

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 12-aad.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, xildhibaannada labada Aqal ayaa sii ambaqaaday doodda la xiriirta Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, iyagoo si gaar ah uga dooday wax-ka-beddel kooban oo lagu sameeyay Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Dood dheer kadib, xildhibaannadu waxay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen ka doodista Cutubka Afaraad ee Dastuurka.

Dhanka kale, xildhibaannada labada Aqal ayaa maanta bilaabay ka doodista Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, iyadoo doodda qodobada cutubkan ay si rasmi ah u furantay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in doodda Cutubka Shanaad ay sii socon doonto, isla markaana lagu wadi doono kulanka xiga ee Baarlamaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts