HomeWararXasan Sheekh oo Soo Dhaweeyay Xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Nabadda iyo Amniga...

Xasan Sheekh oo Soo Dhaweeyay Xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran u soo dhaweeyay guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ay ku heshay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha Qaranka, isagoo ku tilmaamay guushan mid muujinaysa horumarka diblomaasiyadda dalka iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay heer qaaradeed iyo heer caalami. Waxa uu sidoo kale ammaan u jeediyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo door muuqda ka qaadatay xaqiijinta guushan.

- Advertisement -

“Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Nabadda iyo Amniga Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo xusay in guushani ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.

Latest stories