HomeWararMaamulka Waqooyi Bari oo Beeniyay Joogitaanka Al-Shabaab ee Deegaannadiisa

Maamulka Waqooyi Bari oo Beeniyay Joogitaanka Al-Shabaab ee Deegaannadiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka Waqooyi Bari oo Beeniyay Joogitaanka Al-Shabaab ee Deegaannadiisa

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaannada hoos yimaada maamulkaasi, isagoo xusay in aanay jirin wax raad ah, saldhigyo ama dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo ka jira guud ahaan dhulka Waqooyi Bari.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu beeniyay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo ay ka soo muuqdeen dad wajiyada duubtay oo sheeganayay in ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood isla markaana ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

- Advertisement -

Boolisku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyay muuqaalkaas, lana xaqiijiyay in uu yahay mid lagu farsameeyay Garaadka Macmalka ah (AI), looguna talagalay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho iyo marin-habaabin amni oo ka dhan ah magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Maamulka Waqooyi Bari.

Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa shacabka ugu baaqay in aysan ku degdegin faafinta wararka been abuurka ah, isla markaana ay ka feejignaadaan xogaha lagu baahinayo baraha bulshada ee aan ka imaanin ilo rasmi ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts