HomeWararSomaliland oo Ciidamo Cusub ku Soo Bandhigtay Gobolka Sool

Somaliland oo Ciidamo Cusub ku Soo Bandhigtay Gobolka Sool

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay

- Advertisement -

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ka badan 6,000 oo askari oo cusub oo ay tababar siisay, kuwaas oo lagu soo bandhigay gobolka Sool, xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isla markaana uu ka qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa hadal adag ka jeediyay munaasabadda lagu soo bandhigayay ciidamada, isagoo sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul ka tirsan Somaliland, islamarkaana aanu jirin wax wax ka beddeli kara arrintaas, isagoo si gaar ah u weeraray booqashada madaxda dowladda federaalka, kana dhawaajiyay hadallo kulul.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si cad uga hadlay joogitaanka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Laascaanood, isagoo ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa beesha caalamka uga digay in tallaabooyinkan ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, isagoo xusay in Somaliland ay u aragto arrintan mid sii hurin karta xiisado cusub oo amni iyo siyaasadeed.

Latest stories