HomeWararRW Xamsa oo Laascaanood Kulan kula Qaatay Odayaasha Dhaqanka

RW Xamsa oo Laascaanood Kulan kula Qaatay Odayaasha Dhaqanka

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Laascaanood kulan miro-dhal ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada, kuwaas oo ka mid ahaa wufuud kala duwan oo booqasho ku yimid caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi. Odayaashan ayaa ka kala yimid deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bahda dhaqanka kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan. Waxa uu xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkeynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda guud ee ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyay in odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo la xiriirta ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka. Waxa uu bogaadiyay dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay odayaasha dhaqanka inay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

Latest stories