HomeWararDanjireyaal Caalami ah oo u Safray Caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya

Danjireyaal Caalami ah oo u Safray Caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Wafuuddan diblomaasiyadeed ayaa la filayaa inay ku biiraan

- Advertisement -

Danjireyaasha dalalka Boqortooyada Sucuudiga, Turkiga iyo Suudaan ayaa goordhow ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada martigelinaysa munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wafuuddan diblomaasiyadeed ayaa la filayaa inay ku biiraan safiiro iyo ergooyin kale oo caalami ah oo ka kala socda dalalka Shiinaha iyo Masar, kuwaas oo sidoo kale ka mid noqon doona martida heer caalami ee ka qeyb galaysa munaasabaddan muhiimka ah.

- Advertisement -

Safarka danjireyaashan iyo wufuuddan shisheeye ayaa muujinaya xiisaha sii kordhaya iyo taageerada ay beesha caalamku u hayso geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada qaranka iyo dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Munaasabadda caleemo-saarka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiin heer federaal iyo dowlad-goboleed ah, waxaana loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa wada-shaqeynta gudaha iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Latest stories