HomeWararMadaxweyne Xasan oo Laascaanood kula Kulmay Wafdi ka Socday Dowladda Jabuuti

Madaxweyne Xasan oo Laascaanood kula Kulmay Wafdi ka Socday Dowladda Jabuuti

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo ka qayb galaya munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay barta warbaahinta bulshada ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wafdiga la wadaagay mahadcelin iyo abaal taariikhi ah oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, gaar ahaan garab istaagga joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya xilliyadii adkaa ee difaaca madax-bannaanida, midnimada dalka iyo taageerada ay siiyeen xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka.

- Advertisement -

Dhankooda, mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay gaareen, dadaallada lagu ilaalinayo gobanimada iyo midnimada dalka, iyagoo mar kale adkeeyay mowqifka cad ee aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ku aaddan ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga dowladda Jabuuti ee booqday magaalada Laascaanood ayaa ka kooban Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.

Latest stories