HomeWararPuntland oo ka hortimid go’aankii DFS ee joojinta heshiisyada Imaaraadka Carabta

Puntland oo ka hortimid go’aankii DFS ee joojinta heshiisyada Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid go’aankii Dowladda

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in si buuxda loo baabi’iyo dhammaan heshiisyadii ay Soomaaliya kula jirtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu leeyahay mas’uuliyad buuxda oo ku aaddan ilaalinta, wax-ka-beddelka iyo laalista heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni ee khuseeya deegaannadiisa, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo la-dagaallanka khataraha jira.

- Advertisement -

Puntland waxay carrabka ku adkaysay in qaar ka mid ah heshiisyada lala galay Imaaraadka Carabta ay door muuqda ka qaateen la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, iyo sidoo kale ciribtirka burcad-badeedda Soomaalida ee halista ku ah amniga marin-biyoodka caalamka.

Maamulka Puntland ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta amni ee ka dhalan karta burinta heshiisyadaas, isagoo xusay in iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca uu muhiim u yahay xasilloonida guud ee dalka iyo gobolka.

Go’aankan Puntland kasoo baxay ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira heshiisyada caalamiga ah, awood qaybsiga, iyo fasiraadda dastuurka federaalka

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts