HomeWararDFS oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee Imaaraadka Carabta

DFS oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay dhammaan heshiisyadii

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u joojiyay dhammaan heshiisyadii ay hore ula gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee la xiriiray amniga, difaaca iyo gaashaandhigga dalka.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo ku dhaqanka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la xiriira heshiisyo saameyn ku lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta amniga iyo difaaca dalka.

- Advertisement -

Heshiisyadii la baabi’iyay waxaa ka mid ahaa iskaashiga dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, iyo tababarrada ciidanka. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed, kaas oo mamnuucaya heshiis kasta oo maamul hoosaadyo ama hay’ado gaar ah la galaan dowlado shisheeye iyada oo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Federaalka.

Xukuumadda ayaa caddeysay inay diyaar u tahay wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo ku saleysan is-ixtiraam iyo dan qaran, balse aysan aqbali doonin wax faragelin ah oo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts