HomeWararJubbaland oo si cad u diiday go’aanka DFS ee la xiriira heshiisyada...

Jubbaland oo si cad u diiday go’aanka DFS ee la xiriira heshiisyada Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Go’aankan Jubbaland ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed

- Advertisement -

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga hor yimid go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu buriyay heshiisyadii ay horay ula gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga.

Bayaan ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in heshiisyada noocaas ah ay ka mid yihiin awoodaha Dastuur ahaan u degsan dowlad-goboleedyada, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya sharci u lahayn inay si hal dhinac ah u baabi’iso ama wax uga beddesho heshiisyo ay galeen maamul goboleedyadu.

- Advertisement -

Jubbaland waxay caddeysay in heshiisyada ay la gashay Imaaraadka Carabta ay weli sii shaqeynayaan, islamarkaana ay ansax yihiin ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto wax ka beddelkooda ama joojintooda.

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo nidaamka federaalka, wadatashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo danaha guud ee dalka.

Go’aankan Jubbaland ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay go’aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baabi’isay heshiisyadii ay kula jirtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taasoo dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya dowlad-goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Latest stories