HomeWararGalmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo lagu xakameynayo hubka loo adeegsado falal dambiyeedyo ka dhan ah nabadgelyada guud.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in hub kasta oo loo adeegsado dambiyo wax u dhimaya amniga, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Galmudug laga la wareegi doono dambiilaha, kaddib marka maxkamaddu xukun rasmi ah ku riddo.

- Advertisement -

Wasaaraddu waxay caddeysay in marka xukunka maxkamaddu dhaqan-galo, hubkii lagu galay dambiga si rasmi ah loogu wareejin doono Wasaaradda Amniga Gudaha, si looga hortago in mar kale loo adeegsado falal amni-darro ah.

Amarkan ayaa la sheegay inuu dhaqan-gal yahay, isla markaana uu ka tarjumayo masuuliyadda Wasaaradda Amniga Gudaha ee sugidda nabadgelyada iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah.

Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa fartay dhammaan hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si buuxda u fuliyaan amarkan, si loo xoojiyo nabadgelyada, kala dambeynta iyo xasilloonida bulshada.

Latest stories