HomeWararGalmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo joojiyay wadashaqeyntii Wasaaradda Awqaafta...

Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo joojiyay wadashaqeyntii Wasaaradda Awqaafta DFS

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta si wadajir ah ugu dhawaaqay inay joojiyeen dhammaan wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradahan ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay khilaaf soo jiitamayay oo la xiriira wada-tashi la’aan, is-waafajin la’aan iyo ku tumasho lagu eedeeyay mabda’a federaalka.

- Advertisement -

Wasaaraduhu waxay ku doodeen in Wasaaradda Federaalka aysan tixgelin doorka iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada, sida ku xusan Dastuurka KMG ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira awqaafta, diinta, masaajidda iyo maamulidda culimada.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in wixii hawlo, munaasabado ama go’aanno diimeed ah aysan ka qeyb geli doonin haddii aanay ku imaan wada-tashi iyo oggolaansho buuxa, iyagoo caddeeyay inay sii wadi doonaan adeegyada diinta ee bulshadooda iyagoo u maraya maamulladooda.

Wasaaradahan ayaa dhanka kale muujiyay inay u furan yihiin wada-hadal mustaqbalka, balse ku saleysan ixtiraamka dastuurka, isla xisaabtan iyo cadaalad.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku aaddan go’aankan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts