HomeWararAxmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jubbaland

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, Mr. George Conway, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ka jirta deegaannada Jubbaland iyo saameynta ay ku yeelatay nolosha shacabka. Madaxweynaha ayaa sheegay in abaartu ay si toos ah u saameysay in ka badan 1.5 milyan oo qof, isla markaana ay ku dhinteen kumannaan xoolo ah, taas oo si weyn u wiiqday nolosha dhaqaale ee dadka ku tiirsanaa xoolaha nool.

- Advertisement -

Axmed Madoobe ayaa xusay in dadka ku barakacay abaarta ay helayaan gargaar kooban oo ay wadaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland, kaas oo biyo-dhaamin iyo raashin gaarsiinaya deegaannada sida daran u saameysay abaartu, balse uu weli jiro baahi ballaaran.

Madaxweynaha ayaa uga digay in abaartu ay sii daba dheeraan karto, haddii aan la helin gurmad degdeg ah, taas oo khatar weyn ku ah nolosha shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay in biyaha iyo cuntadu yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hadda taagan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo qurba-joogta inay ka qeyb qaataan gurmad degdeg ah, si looga hortago in xaaladda abaartu isu beddesho macaluul baahsan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts