HomeCaalamkaTrump Oo Ka Digay Weerarro Kale Oo Cirka Ah Oo Lagu Qaado...

Trump Oo Ka Digay Weerarro Kale Oo Cirka Ah Oo Lagu Qaado Nigeria Haddii La Sii Wado Dilka Masiixiyiinta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Trump ayaa laga weydiiyay weerarro cirka ah oo la fuliyay

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin culus u diray dowladda Nigeria, isagoo sheegay inuu amri karo weerarro kale oo cirka ah haddii ay sii socdaan dilalka lagu beegsanayo Masiixiyiinta ee ka dhacaya dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.

Wareysi uu siiyay wargeyska New York Times, Trump ayaa laga weydiiyay weerarro cirka ah oo la fuliyay Maalinta Kirismaska kuwaas oo ka dhacay gobolka Sokoto ee waqooyiga Nigeria, laguna bartilmaameedsaday kooxo Islaamiyiin ah.

- Advertisement -

Trump ayaa sheegay in weerarradaasi ay noqon karaan kuwo hal mar ah, balse ay xaaladdu is beddeli karto haddii dilalka Masiixiyiinta ay sii socdaan.

“Waxaan jeclaan lahaa in uu noqdo hal mar oo kaliya. Laakiin haddii ay sii wadaan dilka Masiixiyiinta, wuxuu noqon doonaa weerar joogto ah,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dhanka kale, dowladda Nigeria ayaa hore u beenisay eedeymaha Trump ee ahaa in ay ku fashilantay ilaalinta Masiixiyiinta, iyadoo sheegtay in rabshadaha dalkaasi ka jira ay saameeyaan dhammaan bulshada.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Nigeria ayaa sheegay in Muslimiin, Masiixiyiin iyo dad aan diin lahayn ay dhammaantood bartilmaameed u yihiin weerarrada kooxaha hubeysan ee ka dagaallama waqooyiga iyo bartamaha dalka.

Digniinta Trump ayaa imaaneysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada caalamiga ah ee la xiriira xasillooni darrada amni iyo rabshadaha diimeed ee ka taagan Nigeria, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta gobolka Galbeedka Afrika.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts