HomeWararGolaha Shacabka oo si Aqlabiyad Buuxda u Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada

Golaha Shacabka oo si Aqlabiyad Buuxda u Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 142 xildhibaan

- Advertisement -
- Advertisement -

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 25-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 142 xildhibaan, waxaana ajendaha ugu weyn uu ahaa Akhrinta Saddexaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Daawada, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, islamarkaana gacanta ku hayay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Guddigu wuxuu mudanayaasha la wadaagay warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada, isaga oo ka codsaday in ay ansixiyaan, maadaama uu muhiim u yahay daryeelka iyo badqabka caafimaadka bulshada.

Kadib codeyn rasmi ah oo la qaaday, 141 xildhibaan ayaa oggolaaday Hindise Sharciyeedka Daawada, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin cid ka hor timid, taasoo ka dhigtay hindisaha mid si aqlabiyad buuxda ah u ansaxay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa uga mahadceliyay mudanayaasha Golaha Shacabka ansixinta hindisaha, iyagoo xusay in uu kusoo aaday xilli ay shacabka Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan sharci nidaamiya daawooyinka iyo adeegyada caafimaadka.

- Advertisement -

Dhanka kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada, iyagoo si qoto dheer uga falanqeeyay qodobadiisa, gaar ahaan dhibaatooyinka ay tubaakadu ku heyso bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, iyo baahida loo qabo in laga yeesho siyaasad mideysan oo lagula dagaallamo isticmaalkeeda.

Ugu dambeyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qaybiyay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, kuwaas oo la filayo in dood iyo falanqeyn dheeraad ah laga yeesho kulamada soo socda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts