HomeCaalamkaQaraxyo laga maqlay caasimadda Venezuela ee Caracas

Qaraxyo laga maqlay caasimadda Venezuela ee Caracas

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda Venezuela ee Caracas, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Venezuela iyo Mareykanka.

Wakaaladda wararka AP ayaa sheegtay in ugu yaraan toddobo qarax la maqlay, iyadoo sidoo kale la arkay diyaarado si hoose u duulaya hawada sare ee magaalada, arrintaas oo cabsi iyo walaac gelisay shacabka.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaybo ka mid ah koonfurta Caracas, gaar ahaan nawaaxiga saldhig militari oo weyn, ay ka go’day korontadu, taas oo sii xoojisay shakiga laga qabo xaaladda amni ee magaalada.

Dhanka kale, maalmihii la soo dhaafay dowladda Venezuela ayaa muujisay diyaar garow ku aaddan wada-hadallo ay la gasho Mareykanka, si looga wada shaqeeyo la dagaallanka ka ganacsiga daroogada, sida uu sheegay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro. Si kastaba ha ahaatee, Maduro kama uusan faahfaahin warar sheegaya in Mareykanku uu weerar sirdoon (CIA-led strike) ka fuliyay dalkaas toddobaadkii hore.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Maduro ku sheegay wareysi uu bixiyay Khamiistii, isagoo muujiyay luuqad ka dabacsan tii uu horey ula hadli jiray Mareykanka, kaddib bilo ay jireen cadaadis militari iyo cunaqabatayn dhaqaale oo Washington saartay Venezuela.

- Advertisement -

Xaaladda Caracas ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo aan si rasmi ah loo caddeyn cidda ka dambeysay qaraxyada iyo ujeeddada rasmiga ah ee falalkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts