HomeWararTrump oo ku dhawaaqay in Mareykanku qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo...

Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Trump ayaa sheegay in Mareykanku fuliyay hawlgal

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku fuliyay hawlgal militari oo ballaaran oo ka dhan ah dalka Venezuela, kaas oo uu ku andacooday in lagu qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa.

Qoraal uu Trump ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu ku sheegay in Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa lagu qabtay hawlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada iyo hay’adaha ammaanka ee Mareykanka, isla markaana lagu saaray diyaarad dalka dibeddiisa u qaaday.

- Advertisement -

Trump ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Venezuela lagu maxkamadeyn doono gudaha Mareykanka, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin halka uu hadda ku sugan yahay ama nooca eedeymaha rasmiga ah ee loo jeedinayo.

Sheegashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Venezuela, kaddib warar isa soo tarayay oo ku saabsanaa qaraxyo iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhacay caasimadda Caracas.

Ilaa iyo hadda, dowladda Venezuela kama aysan hadlin hadalka Trump, sidoo kalena ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid hay’adaha Mareykanka ama warbaahinta caalamiga ah oo si madax-bannaan u caddeynaya sheegashadan.

- Advertisement -

Wararka la xiriira arrintan ayaa weli ah kuwo is khilaafsan, waxaana socda dabagal lagu xaqiijinayo runta ka dambeysa hadalkan uu shaaciyay Madaxweynaha Mareykanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts