HomeWararXasan Sheekh iyo Erdoğan oo ku dhawaaqay guul taariikhi ah: Sahminta shidaalka...

Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo ku dhawaaqay guul taariikhi ah: Sahminta shidaalka Soomaaliya oo miro dhalay

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye

- Advertisement -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbuul ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.
“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”.
Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.
“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah”.
“Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka.
Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Türkiye uga go’an tahay garab-istaagga Soomaaliya, isaga oo yiri:
“Waxaa naga go’an adkeynta madax-bannaanida Soomaaliya iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda si horumar dhab ah loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.”
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya ay ku socoto waddo isku dheellitiran oo lagu difaacayo midnimada qaranka, lagula dagaallamayo argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo nolol ka wanaagsan tan maanta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts