HomeWararBannaanbaxyo ballaaran oo lagu diidan yahay damaca Israa’iil oo ka dhacay magaalooyin...

Bannaanbaxyo ballaaran oo lagu diidan yahay damaca Israa’iil oo ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalka

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood ayaa maanta martigeliyay bannaanbaxyo ballaaran oo ay ka qeybgaleen kumannaan shacab ah, kuwaas oo si wadajir ah uga dhiidhiyay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay kala-jarista dalka, iyo dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah midnimada Soomaaliya oo uu wado maamulka Hargeysa ee Waqooyi Galbeed.

Isu-soo-baxyada oo si nabad ah u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay culimada diinta, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo dareen qaranimo oo xooggan, iyaga oo adkeeyay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Culimada ka hadashay fagaarayaasha ayaa si kulul u cambaareysay faragelin kasta oo shisheeye, kuna baaqday in la ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin kala-qaybin ama tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka qaranka.

Bannaanbaxyadan, oo weli ka socda meelo kale oo dalka ka mid ah, ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dareenka shacabka ee la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo bulshada ay si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts