HomeWararBannaanbax ka socda Garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Favouri oo hakad geliyay...

Bannaanbax ka socda Garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Favouri oo hakad geliyay howlaha Garoonka Aadan Cadde

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka la kulmay hakad ku yimid shaqadii caadiga ahayd, kaddib markii shaqaalaha u shaqeeya shirkadda maamusha garoonka ee Fafoori (Favouri) ay sameeyeen shaqo-joojin iyo bannaanbax.

Shaqaalaha oo isugu soo baxay bannaanka garoonka ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo ka socota garoonka, iyagoo cabasho ka muujiyay xuquuq ay sheegeen in si joogto ah loogu tuntay. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka shacabka iyo habsami u socodka howlaha garoonka.

- Advertisement -

Shaqaalaha ayaa tilmaamay in cabashadooda ay soo noqnoqotay, balse ay ka xun yihiin in Dowladda Soomaaliya aysan illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin, iyagoo ku eedeeyay in arrintaasi ay fursad siisay ajaanib dalka u yimid shaqo inay duudsiiyaan xuquuqdooda.

Dibadbaxan ma ahan kii ugu horreeyay, maadaama shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ay marar hore sameeyeen gadood iyo shaqo-joojin la xiriirta eedeymo ay u jeediyeen shirkadda Fafoori, kuwaas oo ku saabsan dhowrista xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkadda Fafoori ama hay’adaha dowladda ee khuseeya, halka shaqaaluhu ay ku adkaysanayaan inaysan shaqada ku laaban doonin ilaa laga xalliyo cabashadooda.

- Advertisement -

Shaqo-joojintan ayaa ku soo beegmaysa xilli garoonka Aadan Cadde uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee isku socodka dalka, taasoo walaac ka dhalisay saameynta ay ku yeelan karto safarrada iyo adeegyada duulimaadyada.

Latest stories