HomeWararSheekh Shariif oo gaaray Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka

Sheekh Shariif oo gaaray Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wafdiga Sheekh Shariif kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Shalay ayaa sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa gaaray Ra’iisul-wasaareyaal hore Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan mucaaradka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ajandaha shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

- Advertisement -

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshayaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay.

Latest stories