HomeWararKulamo siyaasadeed oo dhexmaray Guudlaawe, Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Kulamo siyaasadeed oo dhexmaray Guudlaawe, Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay kulan siyaasadeed la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka, oo lagu tilmaamay is-xog-wareysi siyaasadeed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo arrimaha la xiriira mustaqbalka hoggaaminta iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda iskaashiga iyo wada-shaqeynta madaxda siyaasadda, si xal waara loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu door weyn ka qaatay soo bixitaankii Cali Guudlaawe intii lagu jiray doorashadii Hirshabeelle ee bishii November 2020, taasoo muujinaysa xiriir siyaasadeed oo xooggan oo ka dhaxeeya labada mas’uul.

Dhankiisa, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka si gaar ah diiradda ugu saaray xaaladda siyaasadeed ee magaalada Jowhar, halkaas oo uu hadda ku fadhiyo kursiga baarlamaanka.

- Advertisement -

Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay horay u dhaceen kulamo la mid ah oo dhexmaray Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Cabdi QoorQoor, kuwaas oo iyaguna la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Kulamada siyaasadeed ee is-daba-joogga ah ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah xoojinta wadahadalka, isfahamka siyaasadeed, iyo midnimada hoggaanka dalka, kuwaas oo door ka qaadan kara xasiloonida siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.

Latest stories