HomeWararDFS iyo Galmudug oo xabbad-joojin ka dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

DFS iyo Galmudug oo xabbad-joojin ka dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay dhaqan-gelinta xabbad-joojin rasmi ah oo laga hirgeliyay deegaanada u dhexeeya Huurshe, Xeraale illaa Caabudwaaq, kuwaas oo mudooyinkii la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 21-aad, oo ay garab siinayaan ciidamada Madaxtooyada Galmudug, ayaa si buuxda ula wareegay sugidda amniga, iyagoo ku sugan isgoysyada iyo goobihii ay dagaalladu ka dhaceen. Ciidamada ayaa sidoo kale wada howlgallo lagu xaqiijinayo xasilloonida amniga lagana hortagayo dib-u-kicinta colaadda.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta amniga ayaa xaqiijiyay in la gaaray heshiis xabbad-joojin oo rasmi ah, kaas oo la filayo inuu furo bog cusub oo dadaallo nabadeed. Sida qorshuhu yahay, maalmaha soo socda waxaa la furi doonaa gogol nabadeed, si dhinacyada is-haya ay u wada-hadlaan loogana gaaro xal waara oo ku saabsan khilaafaadka taagan.

Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanada colaadda saameysay inay ilaaliyaan nabadda, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo xasillooni waarta. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dadaallada nabadeed ay muhiim u yihiin dib-u-dhiska bulshada iyo xoojinta isfahamka.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21-aad iyo Ciidamada Madaxtooyada Galmudug ayaa si guul leh u kala dhexgalay maleeshiyaad beeleed ku dagaalamay deegaanada isgoyska u dhexeeya Laandheer iyo Huurshe. Sidoo kale, waxaa la qabtay kulamo gaar ah oo lala yeeshay odayaasha dhaqanka ee dhinacyada dagaalamay, kuwaas oo ay ka qeybgaleen wasiirrada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Ganacsiga ee Galmudug, iyo saraakiil ciidan, si loo adkeeyo muhiimadda nabadda iyo wada-shaqeynta bulshada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts