HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socday...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socday Dowladda UK

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Boqortooyada Ingiriiska, oo ay hoggaaminaysay Danjiraha UK u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga ay dhowaan ku hantiday xubinnimada Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, isaga oo uga mahadceliyay doorkii ay ka qaadatay qaadistii cunaqabateynta hubka, deyn-cafinta, iyo ku soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

- Advertisement -

Mudane Xamsa oo wafdiga siiyay warbixin kooban ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, kaas oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Marwo Eleanor Sanders, ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda, waxayna ku bogaadisay horumarka Soomaaliya ka sameysay arrimaha xuquuqda aadanaha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

Latest stories