HomeCaalamkaCiidamada Huwanta oo Yaaqbariweyne ku dilay maleeshiyaad hubeysan, kuwo kalena gacanta ku...

Ciidamada Huwanta oo Yaaqbariweyne ku dilay maleeshiyaad hubeysan, kuwo kalena gacanta ku dhigay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, iyo Taliska Booliska Degmada ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Guudaale, Riiglow iyo Yaaq-biriweyne, kuwaas oo ay maleeshiyaad hubeysan jidgooyooyin uga sameysteen waddooyinka ay maraan gaadiidka xamuulka qaada.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa kusoo qabqabtay maleeshiyaad wadada ku hakiyay baabuurta xamuulka, kadib markii ay rasaas ku fureen gaadiid ay jidgooyo uga heysteen, xilli ay kusoo baxeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska.

- Advertisement -

Iska caabin kooban oo dhacay kadib, ciidamada ayaa dilay saddex ka mid ah maleeshiyaadka, halka afar kalena ay nolol kusoo qabteen. Maleeshiyaadka la qabtay ayaa lagu wadaa in loo wareejiyo hay’adaha amniga si maxkamad loo horgeeyo, maadaama hore loogu amray ciidanka in ay soo qabtaan cid kasta oo bulshada caqabad ku noqota.

Taliyaha howlgalka hoggaaminayay, Taliye Axmed Gashaan, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen “laba dhaawac ah, laba fayow iyo hubkoodii,” isagoo xaqiijiyay in “saddexna ay goobta ku naf waayeen.” Wuxuu uga digay maleeshiyaadka weli dhuumaleysanaya, isagoo ku booriyay: “Kuwa dhuumaleysanaya waxaan leenahay si sharaf leh isku soo dhiiba.”

Howlgalka ayaa weli ka socda duleedka deegaanka Yaaqbariweyne, waxaana ciidamada ay baadi-goobayaan maleeshiyaad ay maxkamadda ciidamada qalabka sida hore ugu riday xukun dil ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts