HomeWararDuqeymo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Bari oo lagu bartilmaameedsaday Daacish

Duqeymo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Bari oo lagu bartilmaameedsaday Daacish

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, iyadoo wararka hordhaca ahi ay tilmaamayaan in weerarradu lagu beegsaday saldhigyo iyo difaacyo ay ku lahaayeen kooxda Daacish.

- Advertisement -

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, iyadoo wararka hordhaca ahi ay tilmaamayaan in weerarradu lagu beegsaday saldhigyo iyo difaacyo ay ku lahaayeen kooxda Daacish.

Duqeymaha oo dhacay saqdii dhexe ayaa lagu garaacay goobo istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hor-fadhiyay Ciidamada Difaaca Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka.

- Advertisement -

Weerarku wuxuu ahaa mid isdaba-joog ah, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday difaacyada Daacish ee ku yaalla togga Baalade, halkaas oo Puntland ay ka waddo wajiga ugu dambeeya ee howlgalka ka dhanka ah kooxda, gaar ahaan gudaha buuraha Calmiskaad.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli ka hadlin duqeyntan, hase yeeshee tani waxay noqoneysaa duqeyntii labaad ee muddo kooban lagu beegsado xubno ka tirsan Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Howlgalada Puntland ay ka fulinayso Baalade iyo Calmiskaad ayaa loo arkaa kuwo ka mid ah dadaallada ugu xooggan ee lagu wiiqayo awoodda Daacish ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Latest stories