Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku baaqay in Ukraine ay aqbasho qorshaha maamulka Maraykanku soo jeediyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda dalkaas, qorshe kaas oo ku saleysan in Kyiv ay dhul ka tanaasusho.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, iyadoo wararka hordhaca ahi ay tilmaamayaan in weerarradu lagu beegsaday saldhigyo iyo difaacyo ay ku lahaayeen kooxda Daacish.