HomeWararR/Wasare Xamsa oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha, Amarna ku Bixiyay Hagaajinta Adeegyada

R/Wasare Xamsa oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha, Amarna ku Bixiyay Hagaajinta Adeegyada

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku baaqayay in la horumariyo adeegyada garoonka. Intii uu ku guda jiray booqashada, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku baaqayay in la horumariyo adeegyada garoonka.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka garoonka, isagoo ku amray in si degdeg ah wax looga qabto caqabadaha iyo adeegyada ay shacabka ka cabanayaan.

- Advertisement -

Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin adeeg garoon casri ah oo hufan, isla markaana aan la aqbali doonin dib u dhacyo iyo adeeg xumo sii daba dheeraata.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ballan qaaday in uu mar kale ku soo laaban doono garoonka laba toddobaad gudahood, si uu indhihiisa ugu arko heerka isbeddelka lagu sameeyay adeegyada muhiimka ah, sida mashiinnada baarista iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu ku adkeeyay masuuliyiinta garoonka in tallaabo dhab ah laga qaadi doono cid kasta oo ku guuldareysata fulinta amarada iyo hagaajinta adeegyada, si loo xaqiijiyo in garoonka Muqdisho uu noqdo mid u qalma caasimadda dalka.

Latest stories