HomeWararR/Wasare Xamsa oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha, Amarna ku Bixiyay Hagaajinta Adeegyada

R/Wasare Xamsa oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha, Amarna ku Bixiyay Hagaajinta Adeegyada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku baaqayay in la horumariyo adeegyada garoonka. Intii uu ku guda jiray booqashada, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku baaqayay in la horumariyo adeegyada garoonka.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka garoonka, isagoo ku amray in si degdeg ah wax looga qabto caqabadaha iyo adeegyada ay shacabka ka cabanayaan.

- Advertisement -

Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin adeeg garoon casri ah oo hufan, isla markaana aan la aqbali doonin dib u dhacyo iyo adeeg xumo sii daba dheeraata.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ballan qaaday in uu mar kale ku soo laaban doono garoonka laba toddobaad gudahood, si uu indhihiisa ugu arko heerka isbeddelka lagu sameeyay adeegyada muhiimka ah, sida mashiinnada baarista iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu ku adkeeyay masuuliyiinta garoonka in tallaabo dhab ah laga qaadi doono cid kasta oo ku guuldareysata fulinta amarada iyo hagaajinta adeegyada, si loo xaqiijiyo in garoonka Muqdisho uu noqdo mid u qalma caasimadda dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts