HomeWararDastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay

Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu ansixiyay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasi oo si rasmi ah u dhaqan galay kaddib saxiixa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh, kaas oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu ansixiyay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasi oo si rasmi ah u dhaqan galay kaddib saxiixa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh, kaas oo tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dhidib u taagaysa dowlad-dhis sal adag ku fadhida.

- Advertisement -

Dastuurka cusub ayaa xusay in maamulka uu aqoonsan yahay Puntland, balse uusan aqoonsaneyn Somaliland, isagoo sidoo kale qeexaya xuduud badeed dhan 200 mayl iyo fursad uu maamulkan u furan yahay in lagu soo biiro.

Qorshayaasha dhow ee maamulka waxaa ka mid ah dhismaha Baarlamaanka, doorashada Madaxweynaha, iyo hirgelinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo amniga. Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa xiriir sharci ah oo lala yeesho Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ayaa xusay in maamulka cusub uu ku dhisan yahay nabad, heshiis iyo wada-tashi, taasoo dad badan u arkaan fursad lagu xasillin karo siyaasadda gobolka Waqooyi ee Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts