HomeWararMuungaab oo $200,000 ku Wareejiyay SODMA si Loogu Gurmado Abaaraha Gobolka Awdal

Muungaab oo $200,000 ku Wareejiyay SODMA si Loogu Gurmado Abaaraha Gobolka Awdal

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, si loogu taageero gurmadka abaaraha ka jira gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya. Muungaab ayaa sheegay in deeqdan ay tahay bilaabidda dadaal gurmad oo maamulka gobolka Banaadir ka qeyb qaadanayo, isagoo xusay in lacagtu ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, si loogu taageero gurmadka abaaraha ka jira gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Muungaab ayaa sheegay in deeqdan ay tahay bilaabidda dadaal gurmad oo maamulka gobolka Banaadir ka qeyb qaadanayo, isagoo xusay in lacagtu ka timid canshuurta shacabka Muqdisho, oo uu sheegay in Reer Awdal-na qayb ka yihiin maadaama ay caasimaddu tahay xarunta ummadda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macalin, ayaa uga mahadceliyay taageerada, isagoo balan qaaday in deeqda si degdeg ah loo gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Mas’uuliyiin heer federaal ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Howlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa, iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Awdal, ayaa si weyn u bogaadiyay talaabada Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts