HomeWararKoox hubeysan oo weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha […]

- Advertisement -

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha ammaanka.

- Advertisement -

Warshadda Birta oo ka mid ah dhismayaasha muhiimka ah ee ku yaalla Dayniile, ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee deganaa, kaddib markii ay dowladda la wareegtay dhulkaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in xalay ay ahayd “habeen cabsi badan”, isagoo intaas ku daray:

“Rasaas culus ayaa bilaabatay abaare 3:00 fiidnimo, waxaana dareenay in cabsi badan, dhulka la weeraray waxaa deganaa dad shacab ah oo laga barakiciyay, saaka xaalada way degan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Latest stories