HomeWarar"Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban"

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay ergooyinkii ka qaybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, taasoo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya aysan dib ugu noqon doorasho dadban, isagoo carabka ku adkeeyay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay ergooyinkii ka qaybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, taasoo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya aysan dib ugu noqon doorasho dadban, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda siyaasadeed ay tahay in loo celiyo shacabka Soomaaliyeed si waafaqsan hannaanka dimoqraadiyadeed ee casriga ah.

- Advertisement -

“Waa in aynu u gudubno hannaan doorasho oo dadka Soomaaliyeed mideeya, loogana baxo kala-qaybsanaanta iyo dhibaatooyinka ay sababto nolosha dadban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay dhiirrigelinayso talooyinka iyo aragtiyaha wax ku oolka ah ee ay soo jeediyeen haldoorka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay Gogosha Wadatashiga Qaran, isagoo xusay in fikirradooda ay yihiin kuwo muhiim u ah dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada iyo hoggaanka dalka in ay mideeyaan dadaalladooda si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, loona gaaro guulo muuqda oo qaran.

- Advertisement -

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay gogosha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay go’aamadii iyo doodihii lagu soo bandhigay madasha, isagoo bogaadiyay doorkooda ku aaddan masiirka siyaasadeed ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts