HomeWarar"Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban"

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay ergooyinkii ka qaybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, taasoo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya aysan dib ugu noqon doorasho dadban, isagoo carabka ku adkeeyay in […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay ergooyinkii ka qaybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, taasoo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya aysan dib ugu noqon doorasho dadban, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda siyaasadeed ay tahay in loo celiyo shacabka Soomaaliyeed si waafaqsan hannaanka dimoqraadiyadeed ee casriga ah.

- Advertisement -

“Waa in aynu u gudubno hannaan doorasho oo dadka Soomaaliyeed mideeya, loogana baxo kala-qaybsanaanta iyo dhibaatooyinka ay sababto nolosha dadban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay dhiirrigelinayso talooyinka iyo aragtiyaha wax ku oolka ah ee ay soo jeediyeen haldoorka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay Gogosha Wadatashiga Qaran, isagoo xusay in fikirradooda ay yihiin kuwo muhiim u ah dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada iyo hoggaanka dalka in ay mideeyaan dadaalladooda si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, loona gaaro guulo muuqda oo qaran.

- Advertisement -

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay gogosha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay go’aamadii iyo doodihii lagu soo bandhigay madasha, isagoo bogaadiyay doorkooda ku aaddan masiirka siyaasadeed ee dalka.

Latest stories