HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka, oo ah hindise ballaaran oo lagu hagi doono mustaqbalka dalka muddo 35 sano ah. Hiigsigan fog ee istiraatiijiga ah ayaa ka kooban 7 qorshe Qaran oo shan sanadood ah, kuwaas oo diiradda lagu saarayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka, oo ah hindise ballaaran oo lagu hagi doono mustaqbalka dalka muddo 35 sano ah.

Hiigsigan fog ee istiraatiijiga ah ayaa ka kooban 7 qorshe Qaran oo shan sanadood ah, kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal mideysan, ammaan ah, koboc dhaqaale leh, una gudba heerka dalalka dakhliga dhexe ee sare marka la gaaro sanadka 2060.

- Advertisement -

Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Xasan Aadan Hoosow, ayaa sheegay in hirgelinta qorshahan ay horseedi doonto horumar baaxad leh.

“Haddii Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka la hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal barwaaqo ah,” ayuu yiri Xasan Hoosow.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay madasha, ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahani uu isbeddel weyn ku keeni doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Qorshaha Qarni-jirka 2060-ka wuxuu isbeddel weyn ku sameyn doonaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Shirka daahfurka Qorshaha oo socon doona muddo saddex cisho ah, waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, wakiillo ka socda Beesha Caalamka, iyo marti-sharaf kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts