HomeWararGuddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri oo ku beegan 22-ka Juun 2025 uu si rasmi ah u xirmi doono Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Warsaxaafadeed uu Guddoonku soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka xiritaanka kalfadhiga uu ku saleysan yahay waajibaadka Dastuuriga ah ee ku qeexan Qodobbada 66-aad (2) iyo 74-aad (2) ee Dastuurka KMG ah, iyo sidoo kale Qodobka 23-aad (1) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Qodobka 21-aad (1) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Mahadcelin iyo Dardaaran

Guddoonka Baarlamaanka ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada labada Aqal dadaalka iyo shaqada muhiimka ah ee ay qabteen inta uu socday kalfadhigan, isagoo u rajeeyay fasax caafimaad leh iyo nabadgelyo. Sidoo kale, wuxuu ku booriyay Xildhibaannada inay sii wataan gudashada waajibaadka sharciyeed ee ay u idman yihiin xilliyada fasaxa, si loo dardar geliyo howlaha horyaalla golayaasha sharci-dejinta.

Kalfadhiga 7aad oo Bilaaban Doona Bisha Agoosto

- Advertisement -

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka uu si rasmi ah u furmi doono 22-ka Agoosto 2025, iyadoo la filayo in mudanayaashu markaas dib ugu laabtaan shaqooyinka rasmiga ah ee baarlamaanka.

Latest stories