HomeWararShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay in uu qabsoomo 22-ka Juun 2025, ayaa dib loo dhigay, iyadoo la tixgelinayo diyaar-garowga iyo muhiimadda toddobaadka Xorriyadda. Bayaan ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in: “Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda […]

- Advertisement -

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay in uu qabsoomo 22-ka Juun 2025, ayaa dib loo dhigay, iyadoo la tixgelinayo diyaar-garowga iyo muhiimadda toddobaadka Xorriyadda.

Bayaan ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in:

“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha Allah.”

- Advertisement -

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimaha dhameystirka dastuurka, qorshaha doorashooyinka heer qaran iyo heer deegaan, iyo wadatashiyo siyaasadeed oo salka ku haya aayaha dalka.

Ka Qaybgalka Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Mugdi Ku Jira

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin liiska madaxda ka qeybgaleysa, haddana weli lama caddeyn in madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka mid noqon doonaan shirka, taas oo sii kordhin karta su’aalaha laga qabo midnimada mowqifka siyaasadeed ee heer dowlad-goboleed.

- Advertisement -

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xasaasi ah oo go’aanno muhiim ah looga gaari doono hannaanka siyaasadeed iyo dastuuri ee dalka.

Latest stories