HomeWararDuqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Diyaarado dagaal oo aan weli la shaacin dalalka ay ka socdaan ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeymaha ayaa si gaar ah loogu beegsaday gaadiid dagaal oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyo. War rasmi ah oo ka soo baxay […]

- Advertisement -

Diyaarado dagaal oo aan weli la shaacin dalalka ay ka socdaan ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeymaha ayaa si gaar ah loogu beegsaday gaadiid dagaal oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyo. War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in la burburiyay gaadiidkii la qarxin lahaa, iyadoo sidoo kale la weeraray goob keyd hub ah oo kooxdaasi ku lahayd isla degmadaasi.

- Advertisement -

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda, weerarka ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha Alshabaab ee ka howlgala bartamaha dalka, gaar ahaan goobaha ay ka wadaan diyaargarowga weerarada qaraxyada ah.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan degmada Aadan Yabaal ay ka dhacday duqeyn kale oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo muujinaysa sii socoshada gulufka militari ee ka dhanka ah kooxdaasi.

Latest stories